Allaha u naxariistee wariye Maxamuud Cali Yare Buneyste ayaa galabta ku geeriyooday magalada muqdisho geerida marxuumka ayaa timid kadib markii ay madaxa kaga dhacday rasaas ay fureen askar katirsan ciidamada dowlada xili uu ku sugnaa garoon cagta ah oo markaa ciyaar ka socotay, Risaasta madaxa ayey ka haleeshay marxuumka ayadoona dhawaciisa loola cararay hosbitaalka madiina intii uu wadada ku sii jirayna naftu ka baxday
allaha u naxariistee wariye maxamuud ali yare waxa uu ka howl gali jiray i daacada v o d ee magalada muqdisho sidoo kale waxaa uu ahaa madaxa horyaalmedia wuxuu sidoo kale kamid ahaa aas asihii gudigii jaaliyada xaafada toowfiiq allaha janadii fardowso hasiiyee mr buneyste waxaa uu ifka kaga tagay hal xaas ah.
waxaa magalada muqdihso ku soo badanaya askarta dowlada oo ay u isticmalaya rasaasta nool
nool ayadoona ay san jirin cid wax ka qabata dilalkay geystaan magalada muqdisho qaasatan kuwa loo geysto wariyasha iyo shacabka inataba mudo is buuc ah gudaheed ayaa muqdisho si gooni gooni ah waxaa uga dhacay dilal qorsheysan iyo kuwa rabshado ku saleysan intaba.
inaa lillaahi wa inaa illeyhi raaji cuun anigoo ah Cabdiwahaab Nuur Maxamed waxaan tacsi u dirayaa intii uu kabaxay marxuum alle janadii fardowso haka waraabiyo amiin amiin…