Tuesday, May 21st, 2013

Nin Uureeyay Labo Gabdhood Oo Walaalo ah (Dhacdo Yaab leh)

Published on September 6, 2012 by   ·   No Comments ---Inta soo Booqatay :1369

Nin u dhashay dalka India ayaa wuxuu ureeyay laba gabdhood oo walaalo ah, iyadoo ay dhacdadaan ka yaabisay malaayiin dad ah oo u dhashay dalka India, kuwaa oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay.

Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Shah Sunni, labada hablood ee uu ureeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Satiya iyo Latifa, waxayna deegaan ahaan ay kasoo jeedaan magaaladda Kalkata ee dalka India.

Shah Sunni iyo Satiya ayaa waxaa la-sheegay inay isku fasal ahaayeen, isla-markaana saacadaha ay guryaha joogaan ayaa waxay ka wada sheekeysan jireen teleefanadooda gacanta ah, halka xiliyada qaarkoodna ay iska soo wici jireen teleefanadii ugu jiray guryaha.

Galab galbaha kamid ah ayaa wuxuu Shah uu soo wacay teleefankii gacanta ee Satiya, hase yeeshee maysan ka qaban, wuxuuna durbaba uu si kedis ah u soo garaacay teleefankii guriga ee Satiya, balse waxaa ka qabatay Latifa, oo la-dhalatay Satiya, isla-markaana waxaa la-sheegay in durbaba uu ogaaday inaysan Satiya ahayn, waxaana la-sheegay in isaga oo iskala kaftamaayay uu u bilaabay sheeko.

Xilligaasi Latifa iskuma aysan aqoon gabadha la-dhalatay ee Satiya iyo Shah Sunni inay wada socdaan, deetana waxay iyadana bilowday inay dhinaceeda kala sheekeysato, taasoo keentay in ugu dambeentii ay si fiican isku bartaan, laakiin Shah ayaa waxaa la-sheegay in isaga ay ka ahayd oo qura in uu iska dhibo, laakiin taasi ayaa waxay keentay in Latifa ay muddo kadib u qaado jaceyl.

Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa waxaa xilligaasi la-sheegay in Shah uu jaceyl u qabay Satiya, halka Latifa ay iyadu jaceshahay, iyagoo aysan is-ogeyn ayaa wuxuu la-kulmi jiray midba midda kale.

Siyaabo kala gooni gooni ah ayuu ula seexan jiray labadaan hablood ee walaalaha ah, isla-markaana waxaa labaduba kusoo baxay uur, waxaana ogaaday inay uur lee-yihiin hooyadeed oo lagu magacaabo Bhaja.

Waxaa la-ogaaday in Satiya iyo Latifa ay labaduba uur u lee-yihiin Shah Sunni, isla-markaana waxay ku war-geliyeen ciidamadda ammaanka ee magaaladda Kalkata, baaritaano dheer oo ay dowladdu sameysay ayaa waxaa la-ogaaday in Shah uu ureeyay labadaasi hablood ee walaalaha ah, hadase wuxuu ku xiran yahay Kalkata Station ee magaaladda Kalkata, waxayna labada qoys ay wadaan wada xaajood.

Ugu dambeen dhacdadaan ayaa waxay ka yaabisay malaayiin dad ah oo u dhashay dalka India, isla-markaana waxay u hadal-hayaan si weyn, waxayna dadku ku baaqeen in Shah lagu qaado ciqaab adag.

Readers Comments (0)



.