Thursday, May 23rd, 2013

Lionel Messi oo Iskoor aan horay u dhicin dhigay ”Daawo”

Published on March 9, 2012 by   ·   No Comments ---Inta soo Booqatay :1280


Kulan Wanaagsan Meel walba oo aad Joogtaan Kuna Soo dhawaada Xubinta Ciyaaraha ee Xilgaan

Warbaahinta Warhaye.com Todobaadkani Waxa Ay Lama Iloobaan Leedahay Wacdaradii Lionel Messi Uu Ka Dhigay Ciyaartii Barcelona Iyo Bayer leverkusen

Ugu Horeyn Aan wada Daawano Ciyaarta Inta aan Faaqidaada Guda Galin

” Lionel Messi wuxuu go´doon galiyay kooxda Bayer Leverkusen oo Laacibiinteeda meel ay ka baxaan waayeen waxaana dhacday inuu Daqiiqad kasta ka dhex siibto kaas oo ugu dambeeytii Iskoor Caalami ah jabiyay Daqiiqadihii Duqeeynta ay socotay waa 25-aad, 42-aad, 49-aad ,58-aad iyo 84-aad ” Sidaas waxaa qoray Jaraaidka Marca oo laga leeyahay dalka Spain.

Inta Taariikhda la ogyahay ma dhicin Xiddig ama Ciyaaryahan 5-Gool oo xiriir ah hal kulan oo ka tirsan koobka Uefa Champions League dhaliyo , taasi waa Iskoor cusub balse Leo Messi kulankaan ma dhigin hal Iskoor oo kaliyah ee wuxuu qarka u saaran yahay inuu markiisii 4-aad oo xiriir ah gacanta ku dhigo Gooldhalinta koobka Champions League oo uu iminka jeebka ku hubsaday 12-Gool.

Qabiirada Sportiga qiimeeya qaarkood waxeey kulankii Fc Barcelona Vs Bayer Leverkusen ku macneeyeen (Ciil bax) kuwaas oo kala jeeday Leo Messi oo waligiis aan horyaalka Spain la ganaaxin ayaa Isbuucii la soo dhaafay wuxuu kulankii Barcelona Vs Gijon ku maqnaa ganaax kaas oo ciilkaas kula dhacay kooxda Reer Germany ee Bayer Leverkusen (7-1).

Xili ciyaareedkaan oo kaliyah isku dar koobka Champions League, Koobka dalka Spain iyo Horyaalka La Liga wuxuu Geele Gaaboow Messi 40-kulan kooxdiisa Fc Barcelona u saxiixay 46-Gool. Macalinka Fc Barcelona Mr.Pep Guardiola kulankii Barcelona Vs Leverkusen ka dib wuxuu yiri sidan :

“Messi Xiddig ka wanaagsan Dunida kuma noola, Natiijada ayaad ka garan gartaan, waxaana dhici doonto inuu maalin maalmaha ka mid ah uu Champions League dhaliyo hal kulan 6-Gool, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inuu Messi anaga naga tirsan yahay waana Nasiib mudan in la amaano ” .

Leo Messi oo qudhiisa Ciyaartaan ka dib hadlay wuxuu yiri sidan ” Waa wax qurux badan in hal kulan 5-Gool la dhaliyo balse waxaa muhiim eheed kaliyah inaan badino ayuu yiri Xiddigaas 24 jirka ah .

Intii ay socotay Duqeeyntii ama Xasuuqii uu Leo Messi ku hayay kooxda Bayer Leverkusen ayaa waxaa dhacday Wariye ka tirsan Tv-ga SAT 1 oo laga leeyahay dalka Germany inta uu adkeesan waayey ka dibna furka tuurtay isaga oo leh sidan ” Leverkusen weey na ceebeeysay inay ka baaqdaan kulanka Barcelona ayaa qumaneed”

Dad badan waxeey farta ku fiiqeen Ciyaalka cusub ee Jabhada ah kuwaas oo u soo socda dhawaan kooxda Fc Barcelona waxaana ka xusi karnaa Cristian Tello oo 20 jir ah una dhaliyay kulankaan kooxdiisa Fc Barcelona 2-Gool daqiiqadihii 55-aad iyo 62-aad. Xiddiga kale ee Fc Barcelona soo saftay laguna wado inuu mustaqbalka dhaw wacdaro dhigo waa Ciyaaryahan Mark Muniesa.

Macalinka Fc Barcelona Pep Guardiola markii uu arkay inuu Leo Messi Darawal ka noqon karo kulankaan wuxuu dhaqaalo ahaan u siibay ama u badalay Qarshada Qadka dhexe Xavi Hernandez iyo Qabiir Iniesta. Laacibiintii kale ee ka maqneed Catalonia Fc Barcelona waxaanu ka xusi karnaa Abidal,Puyol,Villa iyo Ibrahim Afellay oo dhamaantood Ciyaarta ka daawanayey Tarabuunka sare.

Kooxda Fc Barcelona weli taariikh ahaan koobka Champions League kuma badin hal kulan 7-Gool waxeeyna guushaan Taariikhiga ah la soo degtay Keeydka Taariikhda ciyaaraha kubada cagta kooxaha Manchester United oo sanadkii (2007 AS Roma 7 gool uga badisay ) Bayern München oo iyana sanadkii (2009 kooxda Sporting Lissabon 7-Gool uga badisay). Iskoorka Goolasha ugu badan ee Koobka Champions waxaa heeysato kooxda The Reds Fc Liverpool oo 8-0 ku suul daartay naadiga Besiktas oo ka dhisan dalka Turkiga.

Garoonka kooxda Fc Barcelona ee Camp Nou waxaa soo xaadirtay 80.000 oo Taageerayaal ah waxaana Ciyaarta garsoorayey ama Alabiitare ka ahaa Mr Moen oo u dhashay dalka Norway.

GOOLASHA AYAA QAABKAAN U DHASHAY :
1:0 Messi (25.)
2:0 Messi (43.)
3:0 Messi (49.)
4:0 Tello (55.)
5:0 Messi (58.)
6:0 Tello (62.)
7:0 Messi (84.)
7:1 Bellarabi (90.)

CIYAARTOOYDA KOOXAHA BARCELONA VS LEVERKUSEN AYAA QAABKAAN ISKU ARKAY:

Barcelona: Valdes – Dani Alves, Pique, Mascherano, Adriano (63./Muniesa) – Xavi (54./Keita), Busquets, Iniesta (53./Tello) – Fabregas – Messi, Pedro Rodriguez
Leverkusen: Leno – Castro, Schwaab, Toprak, Kadlec – Reinartz, Bender (55./Schürrle), Rolfes, Renato Augusto (67./Oczipka) – Kießling, Derdiyok (55./Bellarabi)

Dhanka kale kulan kale oo isla Koobkaan Champions League ka tirsan ayaa waxaa Rigooreyaal si la yaab ah loogu reebay kooxda Olympique Lyon waxaana 3-4 ku reebtay kooxda APOEL Nikosia oo ka dhisan Jasiirada Qubrus/Cyprus
Xafiiska Wararka Ciyaaraha ee Warhaye.com
Warhayenews@hotmail.com

Readers Comments (0)



.