Gabar udhalatay dalka Pakistan isla markaana ciyaari jirtay dansiga ayaa nolosheeda goysay kadib markii wajigeeda dhan uu isbadalay Acid ku daatay darteed.
Fakhra Younus, oo ahayd 33 sano jir ayaa iska soo tuurtay dabaq Lix Biyaano ah Magaalada Rome 12 sano kadib markii lagu weeraray acid taas oo ka badashay qaabkii Bini’aadamka
Weerarkaas waxaa uu dhacayu May sanadkii 2000-kun kadib markii Ninkeedii hore Bilal Khar uu wajiga kala helay Acid.


Labada Sawir waxaa ay kala yihiin Fakhra Younus, kan kore waa markii ay caadiga ahayd kan kalana waa markii weerarka lagu qaaday kadib sida ay u ekaatay
Gabadhan oo dhashay hal wiil ayaa martay 39 qaliin ah oo lagu guulaysan waayay in jirka wajigeeda wax looga qabto.
Dhamaan Timaha gabdaha ayaa gubtay Bishimaha ayaa noqday kuwa aan isqabsan karin, indhahana mid kamid aha ayaa shaqeyn karin.
Hooyadan dhashay halka canug ayaa ku nooleyd Magaalada Rome tan iyo markii falkaas weerarka ah loo gaystay.
Laakiin March 17-keedii ayay dishay nafsadeeda waxaana ay ka tagtay fariin ay ku muujisay in aysan sharci ahayn in ay sii noolaato.

Sawirkan Waa Ninkii qabay Bilal Khar, waana wiil uu dhalay Nin duq magaalo ah lacagna haysta, mar ayaa loo qabtay isagoo lala xariirinayua Falkan
Bilal Khar ayaa la xiray 2002 iyadoo loo haysto falkan lagu weeraray gabadha laakiin shan bil kadib damaanad ayaa lagu sii daayay.
Khar oo noqday Xildhibaan lasoo dooran jiray kana soo jeeda qoys lacag haysta ayaa iska diiday dhamaan eedeymaha loo haystay waana lasii daayay.
C/llaahi Mohamed Cumar”Balwaan”
Xafiika Wararka Warhaye.com
Magaalada Johannesburg South Africa
Tell:-+27836670990
Balwaan2007@hotmail.com


