Saturday, May 25th, 2013

Ciyaartooyda Olympica ee Dalka Ingiriiska”Waxaa Nagala Mamnuucay In aan salaano Ciyaartoy kale Sababo Caafimaad

Published on March 8, 2012 by   ·   No Comments ---Inta soo Booqatay :868


Ciyaartooyda Olympica ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in laga mamnuucay gacan qaadka ama inay salaamaan ciyaartooyda kale ee ka imaaneysa wadamada aduunka iyadoona lagu sheegay inay salaantaasi ay ka qaadi karaan cuduro ayna taasi halis ku noqon karto caafimaadkooda.

Madaxa dhaqaatiirta xiriirka guud Olympica ee dalka Ingiriiska ee British Olympic Association dhaqtarka lagu magacaabo Dr Ian McCurdie ayaa waxaa la sheegay inay ka timid digniintaan culus oo loo jeediyey ciyaartooyda uga qeyb galeysa dalka Ingiriiska ciyaaraha Olympica ee sanadkaan lagu qaban doono magaalada London ee dalka Ingiriiska asagoona uu dhaqtarkaasi sheegay inay wanaagsan tahay inaysan wax salaan ah ama is gacan qaad ah aysan ciyaartooyda dalka Ingiriisku la yeelan ciyaartooyda wadamada kale ka imaaneyso maadaama ay taasi sababi karto cudur ay ka qaadaan arintaas asagoona dhaqtarka uu intaas raaciyey inaysan xataa wax weyn tareyn hadii gacmaha si fiican la isaga dhaqo oo saabuun la isticmaalo salaanta ka dib maadaama ay taasi ay wax yar un dhinto qatarta cudurka oo aysan dhamaantiis wada baabi’?n karin.

Ugu dambeyntiina iyadoo dad badan ay la yaabeen baaranooyada uu ku hadlay dhaqtarkaas ayaa waxaa kale oo arintaas ka biyo diiday qaar badan oo ka mid ah ciyaartooyda Olympica ee dalka Ingiriiska iyo waliba qaar ka mid ah maamulka ciyaarahaas ayagoona sheegay inay tahay dhaqan soo jireen ah oo ka mid ah ciyaaraha in mar walba la is gacan qaado, sidoo kalean ay adag tahay in la diido oo is hortaag lagu sameeyo qof gacan kuu soo taagey, Laakiin waxaa isweydiin mudan in ciyaarahaas olmpica oo ay ka soo qeyb galayaan in ka badan 200 oo wadan oo ay ka wada dhexeeyaan ama kuwada nool waxna kuwada cuno meelo isku dhow sida ay wax isoo kordhineyso hadii aysan isa salaamin maadaama uu ka dhexeeyo xiriiro badan oo kala duwan.

Readers Comments (0)



.