Kulan Wanaagsan Meel Kasta oo aad Joogtaan Ku Soo Dhawaada Xubinta Ciyaaraha ee Warhaye.com
Warhaye.com:Labo gool oo ka yimid Cristiano Ronaldo ayaa ka caawiyay kooxda Real Madrid inay 3-2 ku dardarto kooxda Real Betis kulan adag oo ka dhacay Seville.
Iyadoo ciyaar kulul oo labada dhinacba ay isku dheelitirnaayeen ay ka dhacday Estadio Benito Villamarin, ciyaaryahan Jorge Molina ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Real Betis ka hor inta uusan isla qeybtii hore Real Madrid u barbareyn Gonzalo Higuain.
Qeybtii labaad Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Los Blancos lakiin hadana fursadaasi waxaa diiday Jefferson Montero oo goolkii barbaraha u saxiixay Real Betis.
Lakiin goolkii labaad ee Ronaldo ciyaarta oo 17 daqiiqo ay harsan tahay ayaa u xaqiijiyay Los Blancos seddex dhibcood oo muhim ah oo ay talaabo hore ugu qaadeen hanashada horyaalka La Liga.
Madrid ayaa haatan waxa ay hogaanka ku heysaa 13 dhibcood, iyadoo kooxda kaalinta labaad ee Barcelona ay caawa la ciyaareyso Racing Santander.
Tababare Jose Mourinho oo uu kulankaan u ahaa kiisii 100aad ee La Liga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada ay kooxdiisa heshay isagoo sidoo kalena amaanay qaab ciyaareedka kooxda Betis oo ahaa mid cajiib ahaa.
Xafiiska Ciyaaraha ee Warhaye.com
Magaalada Nairobi Dalka Kenya
wARHAYENEWS@HOTMAIL.COM