Sunday, May 26th, 2013

Jose Mourinho: Goolkii Karim Benzema Waxa Uu Ka Yimid Adduunyo Kale”Daawo”

Published on April 1, 2012 by   ·   No Comments ---Inta soo Booqatay :1740


Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay guushii 5-1 ee ay kooxdiisa ka gaartay xalay Osasuna, waxaana uu aad u amaanay goolkii Karim Benzema ee daqiiqadii 7aad.

Ciyaaryahanka reer France ayaa kubad sideeda ah kula qabtay karoos uu soo dhigay Cristiano waxaana uu hogaanka ugu dhiibay Los Blancos gool cajiib ah, waxaana Mourinho uu dareensan yahay in goolka Benzema uu ahaa mid ka yimid adduunyo kale.

“Benzema waxa uu shabaqa ku hubsaday gool ka yimid adduunyo kale fursadii ugu horeysay oo aan helnay, Cristiano Ronaldo isna gool fantastik ah ayuu noo dhaliyay fursadeenii labaad” ayuu Mourinho u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Labo sheey ayaan si fiican u qabanay, waxaan ku ciyaarnay qaabka Osasuna, weerarkii la inagula yaqiinayna ma aanan dhuminin. Guud ahaan si fiican ayaan u ciyaarnay”

“Sannadkii hore fursad aan gool uga dhalino xitaa ma aanan helin Osasuna, lakiin Osasuna weerar ayay sameysay markii aan 3-0 ciyaarta ku hogaamineynay”

Madrid ayaa haatan hogaanka horyaalka ku heysa 78 dhibcood 30 kulan oo la ciyaaray.
Xafiiska Wararka Warhaye.com
Muqdisho Soomaaliya
Warhayenews@hotmail.com

Readers Comments (0)



.