Atariishada caanka ah eeĀ Deepika Padukone oo lasoo shaqeysay jilayaal badan oo magac ku leh Shirkada Bollywoodka, sida Shah Rukh Khan, Akshay Kumar, Ranbir Kapoor, Abheshik Bachchan iyo qaar kale, ayaa waxa ay sheegtay in ay aad u daneyneyso in mar uun ay filim la metesho jilaaga caanka ah ee Salman Khan.
Deepika ayaa cadeysay in hamuun ay u qabto in Salman Khan ay soo hor istaagto filimna ay la metesho, waxaana la filayaa in labadaan jilaa ay ku kulmaan filim uu soo saare ka yahay Raj Kumar.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Deepika si gaara ay u daneyneyso la shaqeynta aktarkaan caanka ah ee Salman Khan, iyadoo xitaa sheegtay in mushaarkeeda ay hoos u dhigi doonto, sidii ay ula shaqeyn leheed Salman darteeda, waana wax aysan horay u sameyn Deepika dabeecadaas cusub, lase arki doonee meesha ay ku dambeyso