Tartan Lagu Dhiirigelinayo Nabadda Oo Ka Furmay Degmada Boondheere.SAWIRRO
Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa si rasmi ah uga furmay tartan xaga kubadda cagta ah oo loogu magacdaray Nabadda iyo Isdhexgalka kaasi oo ay ka qeybgalayaan ilaa Afar kooxood oo ka dhisan degmada Boondheere.
Furitaankii tartanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir , xubno ka tirsan gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmadaasi iyo degmooyinka ku dhow dhow.
Gudoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir C/laahi Xirsi Wardheere (Istakiin) oo furitaankii tartanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tartankan Sportiga ah uu furayo sidii ay bulshadu isku dhexgeli laheyd islamarkaana uu Nabadda xoojinayo.
Ciyaartii ugu horeysay ee galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta Waamo ee degmada Boondheere ayaa dhexmartay kooxaha Yuusuf Al-Kowneyn iyo kooxda Siinaay oo labaduba degmadaasi ka dhisan waxaana 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Siinaay.
Tartamada noocan ah ee lagu dhiiragelinayo nabadda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey xornimadii Lixda Agoust.
Photo By:- C/rashiid Nuur Xuseen (Nuune)
Warhaye.com
Short URL: http://warhaye.com/?p=1069

































