Warhaye Media Center

R/wasaaraha Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Tababar Loogu Sooxirayay Shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha “Sawirro”

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta ka qeybagalay Munaasabad tababar loogu soo xerayey howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka taasi oo ka dhacday xarunta Taliska Booliiska.

Tababarkan oo muddo lix maalin ah u socday 54 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa xubnihii ka qeybgalay waxaa lagu barayey qaabka ay wasaaradu horumar uga gaari laheyd howlaha loo igmaday.

Munaasabaddaasi ayaa waxaa Ra’isulwasaare C/weli ku wehliyey Wasiirrada Warfaafinta, Arrimaha Gudaha,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamaga ah, Taliyaha Ciidammada Booliska, agaasimaha guud ee hay’adda nabad sugidda qaranka, agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda arimaha gudaha, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan Dowladda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Ganaraal Bashiir Maxamed ‘Bashiir Goobbe’ oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada siminaarkan loo qabtay ay aheyd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dhinaca maamulka ee shaqaalaha Wasaaradda si ay u gutaan howlaha ay qaranka u ahayaan.

C/samad Macalin Maxamuud Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo isna ka hadlay xiritanka siminaarka ayaa kula dardaarmay shaqaalihii tababarka loosoo xiray in looga fadhiyo meel marinta howlaha wasaaradda.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Maxamed Cali Gaas oo gebogebadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradani ay leedahay muhiimad gaar ah maadaama ay u xilsaarantahay amaanka iyo maamulka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay qaabka ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu u gudanayaan howlahooda waxaana uu ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday.

Ugu dambeyntina shaqaalahii tababarku u soo dhamaaday ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin iyadoo munaasabadaasina ay kusoo gebagebowday jawi aad u sarreeya.

Short URL: http://warhaye.com/?p=1073

Posted by on Dec 12 2011. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery