Warhaye Media Center

Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Xukun Ku Riday Mas’uuliyiin Dowladda Ka Tirsanaa

Maxkamadda Sarre ee dalka ayaa maanta xukun ku riday labo mas’uul oo Dowladda Soomaaliya ka tirsanaa kuwaasi oo iyagu ku eedeysnaa inay u fududeeyeen kooxo Burcad ah alaab ay dhaceen.

Labadani mas’uul ee ay Maxkamadda Sarre ee dalka xukunka ku riday ayaa kala ah C/risaaq C/laahi Guhaad oo isagu ahaa Taliyihii waaxda Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho iyo Aadan Maxamed Xasan oo isaguna ahaa kormeeraha guud ee Dekedda Muqdisho waxaana ay maxkamadu ku xukuntay min hal sano iyo Lix bilood oo xarig ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo warbaahinta u sharaxay xukunkan ayaa tilmaamay in ragga la xukumay ay u fududeeyeen kooxo doonayey inay xadaan Soolarro yaalay gudaha Dekedda magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay laheyd hay’adda WFP waxaana uu gudoomiyuhu digniin u diray mas’uuliyiinta xilalka heysa ee falalkan kooxaha ku kaca u fududeeya isagoona uga digay inay ciqaab adag la kulmi doonaan.

Xukunkan ay Maxkamadda Sarre ee dalka ku riday labadani mas’uul ayaa qeyb ka ah xukunno mudooyinkanba hay’addaha kala duwan ee Dowladdu ku ridayeen mas’uuliyiinta xilalka haya ee iyagu lagu helo falal ka baxsan sharciga iney ku kaceen

Short URL: http://warhaye.com/?p=1081

Posted by on Dec 12 2011. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery