Golaha Wasiirada Oo Kulan Ka Yeeshay Waxqabadka Xukuumadda Mudadii Ay Jirtay
Shirkaan ay maanta isugu yimaadeen Xubnaha Golaha wasirada ayaa waxaa shir guddoominayay R/Wasaare C/Weli Maxamed Cali iyado diiradda lagu saaray Qodobo ay ka mid ahaayeen Horumarrada laga gaaray Dhinacyada Amniga, Gargaarka bani’aadaninimada iyo Waxqabadka Xukuumadda Mudadii ay jirtay.
R/Wasaare C/Weli ayaa ugu horeyntii Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay guulaha laga gaaray safarro shaqo uu dhawaan ku soo maray wadamada Qadar, Kuwait iyo Kenya oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalkaasi iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Sidoo kale Kulanka Golaha wasiirada oo looga hadayay ammaanka ayaa waxaa warbxinno looga dhagestay Wasiirada qaabilsan dhanka amniga oo xusay in la sameeyay roondooyin joogto ah lana fashilayay isku dayo fara badan oo ka dhan ah dhanka amniga iyagoo madasha shirkana ka cadeeyay in falalkaaasi loo soo qabtay 35 dad dambiileyaal ah.
R/wasaraha ayaa ugu baaqay wasaaradaha kala duwan ee dowladda in ay waxqabadkooda u soo bandhigaan dadweynaha Soomaaliyeed si loo ogaado waxa ay u hayaan ummadda.
Short URL: http://warhaye.com/?p=1077













